Qarax ka dhacay Gaalkacyo iyo taliye Ciidan oo lagu dilay.

0

Faah faahino dhaaraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Puntland.

Qaraxaan oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa la sheegay in uu ahaa ruux waxyaabaha qaraxa isku soo xiray,waxaana lala eegtay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada isku-dhafka ah ee loo sameeyey in ay sugan Amniga Magalada Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyey oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaas lagu dilay taliyihii Ciidamada isku-dhafka ahaa oo ay dowladda Soomaaliya u sameysay Gaalkacyo oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud korneel Xorreeye iyo Sarkaal kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Qani Axmed Geyre halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku geeriyooday Haweeney Maqaaxi ku iibin jirtay goobta uu qaraxa ka dhacay halka dadkii ku dhaawacmay qaraxaas la geeyey Isbitaalka Waqooyiga Magalada gaalkacyo.

Xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan waxaa ku sugan Masuuliyiinta Maamulka Gobolka mudug ee Maamulada labada dhinac iyo ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland iyo Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.