Maadxweyne ku xigeenka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo xilka laga qaaday.

0

Hornafrik-Maalmihi la soo dhaafay waxaa dibad baxyo looga soo hirjeedo maamulka ay ka dhacayeen deegano kamid ah ismaamulka Soomaalida Ehtiopia owaxaana deeganada ay banaanbaxyada ka dhaceen kamdi ah deegaanka Shiniile.

Waxaa wargeysa Addis Standard uu qoray in madaxweynaha ismaamulkaasi Cabdi Maxamed Cumar uu xilka ka qaaday C/Kariin Cigale kuna badalay booskaasi Xamdi Aadan Cabdi o sida la sheegay ka soo jeeda Deegaanka Shiniile ee ismaamulka Soomaalida Ehtiopia.

Xamdi oo lagu badalay madaxweyne ku xigeenka xilka laga qaaday ayaa ah sidoo kale wasirka caafimaadka ee ismaamulkaasi.

Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in sababta looga qaday madaxwyni ku xigeenki C/kariin Cigale ay tahay in looga baqay la safashada shacabka degaanka shiniile ee uu ka soo jeedo .

Wararka laga helayo  ismaaulka soomaalida Ethiopia ayaa shegaya in ay jraan deegano ay wali ka socdaan dibad baxyada.

Madaxweynaha Ismaamulkaasi Cabdi Maxamed Cumar ayaa la sheegayaa inuu wado dedaal uu ku joojinayo dibad baxdyada looga soo horjeedo maamulkiisa.

 

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.