Shirka Wasiirada Amniga oo ka furmay Magaalada Garowe.

0

Hornafrik-Shirka Amniga Dowladda Faderalka iyo Maamuladda Xubnaha ka ah ayaa ka furmay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana ka soo qayb galay  kusimaha Madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne kuxigeenka, Wasiir kuxigeenka Amniga Gudaha Faderalka, Agaasimayaasha Wasaaradda Amniga, Wasiiradda Amniga Maamul Goboleedyadda Soomaaliya iyo saraskiisha ciidanka Booliska Puntland iyo marti sharaf kale.

Wasiir ku xigeenka amniga Gudaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa sharaxay ahmiyadda Shirkan oo uu sheegay in uu dabo socdo shirar hore gudaha dalka loogu qabtay loogana wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta arrimaha amniga ee soomaaliya guud ahaan.

Wasiir ku xigeenku waxaa uu sheegay shirka maanta ay xooga kusarayaan sidii looga arinsan lahaa arimo ay ka mid yihiin

  1. Isku xirka Hay,adaha Amniga dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyadda Dalka.
  2. Samaynta Tirakoob sax ah oo lagu samaynaayo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed meel kasta ha joogee.
  1. Kawarbixinta Xaaladaha Amni ee Dowladda Faderalka iyo Maamul goboleedyadda,iyadoo si gaara loogu eegayo Caqabadaha & habka looga hortagi karo.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng,Cabdixakiin Cabdullahi Cumar oo shirka furayna waxaa jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan tabanaysa,waxaana uu sheegay in madaama shirkani shirar hore daba socdo loo bahan yahay in la isweydiiyo wixii qabsoomay iyo waxaa dhiman sidii go,aan qorshaysan looga gaari lahaa.

Shirka oo saacado socon doona ayaa la soo afmeeraya galinka danbe waxana laga filayaa in ay kasoo baxaan go,aano waaweyn oo ku adan xiriirka wadashaqayneed ee Nabadgelyadda guud ahaan Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.