Booliska Soomaaliya Oo Muqdisho Ku Soo Bandhigay Nin Ka Tirsanaa Kooxda Daacish.

0

Hornafrik-Booliska Soomaaliya ayaa Goordhow Xarunta Dambi-baarista ee CID-da ee Magalada Muqdisho waxa ay ku soo bandhigeyn Nin la sheegay in uu ka tirsanaa Kooxda Daacish.

Ninkaan oo Magaciisa lagu sheegay Jaamac Xuseen Xasan ayaa booliska Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in uu horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse markii dambe uu ku biiray Kooxda Daaciish oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya kana dagaalanta Wadamada Siiriya iyo Ciraaq.

ninka ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in xiliga la qabanay uu miino ku aasayay magaalada Muqdisho.

Jaamac Xuseen Xasan oo ah Ninka lagu eedeeyey in uu ka tirsanaa  Daacish ayaa Warbaahinta waxa uu u faah faahiyey halka laga soo qabtay iyo waqtigii uu ku biiray kooxda Daacish,waxa uuna sheegay in uu ka yimid Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.