Wasiirka Cadaalada Oo Maanta Hortegaya Xildhibaanada Aqalka Sare.

0

Hornafrik-Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada Aqalka Sare uu hortago Wasiirka Wasaaradda Cadaalada xukuumadda Soomaaliya Abukaate Xasan Xuseen Xaaji.

Wasiirka ayaa xildhibaannada Aqalka Sare ka horjeedin doona Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqa oo ay horay u ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa loo qeybin doonaa Sharcigaas,iyaga oo soo akhrin doona si ay iyana dhankooda u meel mariyaan,waxana sidoo kale warbixino laga dhageysan doonaa guddiyada Cadaalada iyo Garsoorka ee Aqalka Sare.

Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqa oo ay xildhibaannada Golaha Shacabka ansixyeen 14,kii bishoo November ee Sanadkii las oo dhaafay ee 2017,ayaa hadii ay meel mariyaan Xildhibaannada Aqalka sare waxaa loo gudbin doonaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu u saxiixo kadibnka uu dhaqan galo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.