Roobabkii ka da`ay Muqdisho oo xiray wadooyinka soo gala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

0

Hornafrik-Roobkii shalay ka da`ay magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Roobka ayaa biyo dhigeyn ka sameeyay waddooyin dhowr ah oo soo gala Garoonka, waxaa ka mid ah waddooyinka biyaha ay fadhiisinka noqday wadada ka baxda KM4 ee aada Garoonka, taas oo ay maanta isticmaali Karin Gaadiidka yar, biyo buux dhaafiyay wadada aawgeed balse ay wadadaas ay mari karaan oo kaliye Gaadiidka waa weyn ee xamuulka qaada iyo kuwa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Mararka ay da`aan Roobabka mahiigaanka ah ayaa waxaa xirma qaar ka mid ah wadooyinka mara magaalada muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.