Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Sheegay in Gaba-gabo uu marayo Dhismaha Ciidamada Dowladda.

0

Hornafrik-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay waddo qorshaha Hormarinta Ciidamada Dowladda ee Amniga Dalka kala wareegayo Ciidamada Midowga Afrika kolka uu dhamaado Howlgalkooda.

Waxa uu tilmaamay in laga aqbalay Soomaaliya Qorshaha ay ku dhisaneyso Ciidamadeeda si ay u maamulaan guud ahaan dalka Labada Sano ee Soo socda.

Kaalinta Madaxweynaha waxa uu ku sheegay in ay tahay muujinta in Soomaaliya ay usoo jeesatay dhismaha Ciidankeeda.

Wadamada Caalamka ee Taageera Soomaaliya ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Sheegay in ay u bandhigi doonaan heerka uu gaarsiisan yahay ol-olaha lagu dhisayo.

Bisha Soo socoto waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan qorshaha Shir looga hadlayo Dhismaha Ciidamada Dowladda ay ka qeyb gali doonaan.

Ciidamada Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa qorshuhu yahay la dhimo, waxaana Ciidankaas oo ah Kuwo Milatari ah lagu badalayaa Ciidan kale oo Booliis ah.

Waxyaabaha ay qaban doon waxaa kamid ah Tababaridda Ciidamada Dowladda iyo ka gacan siinta Sugidda Amniga Dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.