Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la soo saaray.

0

Hornafrik-Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Soo saaray jadwalka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Gudigaan ayaa sheegay in isdiiwaangilinta musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay bilaabaneyso berri oo Isniinah taariikhdana ku began tahay 23-ka kuna egtahay Talaadada soo socoto taariikhdana ku began tahay 24-ka bishan April.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay in hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay dhaceyso 25-ka bishaan oo ku beegan Arbaca Soo socoto ayna soconeysa ilaa  26-ka bishan.

Ugu dambeyn guddiga ayaa cadeeyay in doorashadu ay dhaceyso 30-ka bishaan Abriil oo todobaadka damba ah.

Warqad 3 233x420

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.