Xulkeena Soomaliya Oo U Gudbay Afar Dhamaadka Tartanka Cecafa ee-17 jirada kadib markii ay garaaceen Kenya.

0

Hornafrik-Wiilasha Qarankeena oo uu hogaaminayo Macalin Salaad ayaa u gudbay Semi Final tartanka Cecafa ciyaartoyda da’’doodu ay ka hooseyso 17 jirada.

Ciyaar aad loo jeceleyso ayeey soo bandhigeen Xulkeena soomaaliya kulan goor dhaw ka dhacday geegada Mayinga ee dalka Burundi.

Soomaaliya ayaa sameysay dhowr isku day taas oo keentay in shaqaba ay soo taabtaan qeybtii hore ee ciyaarta waxaana u dhaliyay gool xidiga lagu magacabo Farxaan Duqow.

1-0 ayeey ku soo dhamaatay qeyntii koowad ee ciyaarta oo ay Soomaliya ku hogaamineyso labada dhinac ayaana ku guul dareystay in wax gool ah ay dhaliyaan qeybta labaad ee kulanka.

Ciyaartoyda Kenya ayaa qudhoda sameeyay fursado gool loo filan karay laakiin isku daygaas waxaa iska hortaagay daafacyada xulkena kuwaaso galabta soo bandhigay kubad ku dheehan caqli iyo xisaabtan.

Soomaaliya oo ciyaartii hore looga badiyay 3-0 islamarkaana ay guushaas raacday Dalka Ethiopa ayaa dhibcihii waxa ay u heshay maadama Ethiopa ay safeen ciyaartoy da’’ahaan ka waa weyn 17 jir, halka kulankii labaad ay dhibic ka heleen Martigaliya yaasha Burundi.

Xulkeena ayaa ku soo baxay kaalinta koowad iyado keensatay 7-dhibcood halka kaalinta 2-aad ay ku soo baxday xulka Kenya.

Siwalba ha ahaate dayarta dalkena ayaa hada rajeynaya in meel wacan ay ka gaaran Cecafa Under-17 maadama ay u soo tilaaben Afar dhamaadka tartanka.

Dhanka kale Burundi ayaa 1-0 ugu adkaatay xulka Ethiopia balse labadan xul ayaa gabi ahaan iskaga haray tartanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.