Shir madaxeedka Jaamacada carabta oo la soo gabagabeyay balanqaadna Soomaaliya loogu saameyay.

0

Hornafrik-Shi Madaxeedki jaamacada ee shalay ka furmay magaalada dahraan ee dalka Sacuudiga ayaa xalay la nsoo gaba gabeeyay waxaana laga soo saray qodobo dhowr ah oo la xiriira waxyaabaha shirka looga hadlay ee carabta si guud u quseeya.

Shirka ayaa waxaa qudbad ka jeediyay qaar kamid ah madaxda ka qeybgashay halka qaarka kale na ay qudbadoohooda u qeybiyeedka qaab qoraal ah.

Shirka waxaa qodobada ka soo baxay kamid ah in laga soo horjeesto Go’aankii Trum ee qudus loogu aqoonsaday caasimada Is’iraail iyo in la taageero hey’adaha Dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kamid ah madaxda qudbadahooda u qeybiyay qaab qoraal ah , waxaana uu kaga hadlay xaalada dalka iyo in uu ka codsaday madaxda shirka ka qeybgaleysay in ay ka dhabeyaan taageerada ay u balanqaadeen Soomaaliya sida uu sheegay Cabdiqani Maxamed waceys oo ah wakiilka Soomaaliya ee Jaamacada Carabta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.