Ra’isalwasaare Kheyre oo xalay la kulmay Guddoomiye Jawaari.

0

Hoprnafrik-Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay booqday Guriga uu Muqdisho ka degganyahay Guddoomiyaha ka sii degaya xilka Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa oo uu Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari degganyahay  ayaa waxaa lagu sheegay in ay uga wada hadleen isa saamixid iyo Salaan.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay Xasan Cali Kheyre in uu isaga ka dambeeyay mooshinkii ugu dambeyn sababay in uu kursiga iska casilo.

Xasan Cali Kheyre ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa shaqsiga gadaal ka riixayay mooshinkan horseeday in Jawaari uu ku dhawaaqo in maanta oo khamiis ah uu xilka isaga dago.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay salaan iyo isa saamixid uu Xasan Cali Kheyre ugu tegay Guddoomiyaha Golaha shacanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.