Ciidamada xooga dalka oo maanta u dabaal dagaya xuska 58 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay.

0

Hornafrik-Ciidamada xooga dalka ayaa maanta u dabaal dagaya Xuska 12ka April oo ah maalintii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka waxayna sanadkaan u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.

12-ka April sanadkii 1960-kii ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka soo wareegtay 58 sano.

Maanta ayaa munaasabdo loogu dabaal dagaayo aas aaska ciidanka xooga dalka oo 58 sano jirsaday lagu qabanayaa magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April oo ah maalintii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka u diray Taliskaasi, waxayna sanadkaan u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.

“Munaasabadda 12 ka April oo ku beegan Maalintii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka owgeed waxaa rabaa in Hambalyo aan iraahdo dhammaan Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda, Dableyda Ciidanka Xoogga iyo Xaasaskooda, Ciidanka Xoogga dalka waxaa laf dhabar Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale ugu hambalyeynayaa guulaha ay kasoo hoyeen Dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada Arxanka darran” ayuu yiri S/guud Bashiir Maxamed Jaamac

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.