Dowladda Soomaaliya oo u jawaabtay Imaaraadka Carabta.

0

Hornafrik-Dowladda Soomaaliya ayaa si kulula uga  jawaabtay cambaarayn uga timid wadanka Imaaraadka Carabta taasoo la xiriritay lacagtii ciidamada amnigu ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Muqdishu maalintii Axaddii aynu ka soo gudubnay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay tallaabada ay qaadday waxayna sheegtay in safiirka imaaraadka ee Muqdishu uu diiday in boorsooyinkaas la mariyo qalabka baaritaanka iyaga oo aan la furin.

Sarkaal u hadlay Soomaaliya waxa uu sheegay in in boorsooyin aan ahayn kuwo diplomaasiyeed in loo adeegsado ujeedooyin diblomaasiyadeed waxay laalaysaa xasaanaddii ay cahdiga Vienna ee xiriirka diplomaasiyadeed. Waxaa kale oo uu sarkaalkaasi uu sheegay in is-agaradka ay gaadheen Soomaaliya iyo imaaraadka uu waqtigiisii dhammaaday sannadkii 2016-ka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amnigu ee Soomaalidu ay qoryo ku qabteen dadkii diyaaradda saarnaa isla markaana ay kala wareegeen $9 milyan iyo 600 kun oo dollar, waxayna ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka. Imaaraadka ayaa sheegay inay arrintaasi jebinaysay is-afgarad ay horey u gaareen Soomaaliya iyo Imaaraadka sannadkii 2014-ka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.