Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow”Wey Soo Gaba Gaboowday Xiisadii Ka Dhalatay Mooshinkii Jawaari”

0

Hornafrik-Guddoomiyaha BFS, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay, iyadoo lagu waday inay Xildhibaanadda  maanta Codka Kalsoonida u qaaday Mooshinka ka dhanka ah Prof. Jawaari.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in Is-casilaadda Prof. Jawaari soo gebagebaysay Xiisadda Siyaasadeed ee taagnayd.

“Waxaan saakayto joognay Xarunta BFS, o oaan diyaar u ahayn Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha BFS” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo intaasi ku daray inuu G/Xigeenka BFS so ogalay Xarunta, isla markaana uu akhriyey Warqadda Is-casilaadda ee ka timid Afhayeenka BFS.

Xildhibaan Jeesow oo ka mid ahaa Xildhibaanadda sida xooggan ugu ololeeyey Mooshinka ka dhanka ahaa Guddoomiyaha BFS waxa u urintaasi ku daray  inay aad u soo dhaweeyeen Is-casilaadda Prof. Jwaari  waafaqsan tahay Dastuurka.

Guddoomiyaha BFS, Xildfhibaan Jawaari waxa uu xilkaasi hayey tan iyo sannaadkii 2012-kii, xilligii Madaxweynihii Dowladda KMG ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.