Sarkaal ka Tirsan Nabad Sugida Soomaaliya oo xalay la dilay.

0

Hornafrik-Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay ku dileen Taliyihii Nabadsugida deegaankaas iyo nin ilaalo u ahaa.

Sida ay sheegayaan wararka Taliyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Col. Mustaf Beerdilaacshe, waxaana horay xilal amni uga soo qabtay degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid.

Taliyaha la dilay iyo ninka ilaalada ahaa ee la socday ayaa laga qaatay gaari kuwa raaxada ah oo ay wateen, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Taliyahan, waxaana lagu baahiyay baraha internet-ka ee taageera.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ku aadan dilkan sarkaalkan loo geystay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.