Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu qabtay Boorsooyin Lacag ah.

0

Warar uu helay Website ka Horafrik Xafiiska magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Boorsooyin lacag ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde.

Ciidama amaanka ayaa goor dhaw gacanta ku dhigay diyaarada sida Boorsooyinkaasi.

Saraakiisha amaanka ee garoonka Muqdisho ayaa Hornafrik u sheegay in ay qabtayn ilaa 3 Boorso oo ay ku jireen Malaayiin lacag doolar ah, waxaana laga dejiyay diyaarad ku sii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in lacagtaan loo waday magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaana sidoo kale la sheegayaa in Imaaraadka laga keenay lacagtaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.