Qarax miino oo ka dhacay Duleedka magaalada Jowhar.

0

Hornafrik-Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabeele ayaa waxaa ay sheegayaan in Ugu yaraan 3 qof ay ku dhinteen 2 kalane dhaawac uu ka soo gaaray qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lagu aasay wadada aada Garoonka diyaarada ee magaalada Jowhar waxaana ku dhintay labo askari iyo hal qof oo shacab iyadoo uu dhawaac soo gaaray labo qof oo iyagu shacab ah.

Qaraxa ayaa dadka goobta ka dhawaa inoo xaqiijiyeen in Ciidamada loo geliyay goob ay gaadiidka lacag uga qaadaan waxaana uu xiliiga qaraxa dhacaayy goobta ku sugna gaadiid taagna barta kontarol oo lavag laga qaadayay.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamada Amaanka ee Gobolka shabeelaha dhexe balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakisha Amaanka ee Gobolkaasi.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.