Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo aroor hore gaaray xarunta.

0

Hornafrik– Magaalada Muqdisho waxaa saakay si aad ah looga dareemayaa kulanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xildhibaano isku khilaafsan ku kulmayaan.

Durba aroor hore oo saakay ah ayaa waxaa xarunta Golaha shacabka gaaray xildhibaano ka tirsan Golaha oo raba in ay ka qeyb galaan kulanka maanta.

Xildhibaanada hadda ku sugan ayaa ah kuwo u qeybsan labo dhinac waa kuwa keebay mooshinka ee raba saakay cod loo qaado iyo kuwa taageersan Jawaari oo raba in kaga doodo darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda.

Kulanka Golaha shacabka ee maanta ayaa waxaa xubnaha kala balamiyay Gudoomiye Jawaari iyo Ku xigeenkiisa 1aad Muudey oo mid walba doonayo inuu isaga Shir gudoomiyo.

Lama oga sida uu u qabsoomi doono kulanka maanta ee Golaha shacabka

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.