Taliyaha Amisom oo sheegay in ay ka masuul yihiin Amniga Jawaari lana wareegi doonaan xarunta Golaha.

0

Hornafrik-Gawaari ay galbinayaan Ciidanka Amisom ee Howlgalka Nabad ilaalinta ujooga Somaliya, ayaa goordhow Xarunta Golaha Shacabka waxey ka wadeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya iyo Kuxigeenkiisa 2-aad Mahad Cabdalla Cawad.

Jawaari iyo Cawad ayaa tan iyo Saaka, waxey ku sugnaayeen Xarunta Golaha Shacabka oo maanta ay ku balansanaayeen Xildhibaano laba Ajende Kala wata oo Baarlamaanka ka tirsan.

Taliyaha Ciidanka AMisom Paul Lokech oo gaaray Xarunta Baarlamaanka ayaa kulan kooban la yeeshay Jawaari, Wuxuuna usheegay in AMnigiisa ay mas’uul ka yihiin, qeybna uu ka yahay Waajibaadkooda inta uu xilka hayo.

Jawaari iyo Paul Lokech, ayaa gaaray Xarunta Villa Hargeysa halkaas oo uu ka qabsoomaayo Kulan balaaran oo ku saabsan xal uhelista Khilaafka iyo sidii Jawaari loogu heyn lahaa meel amnigeeda la isku haleyn karo.

Taliyaha Amisom ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay masuuliyad ka saarantahay iney Gaashaan unoqdaan Jawaari maadaama uu yahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay la wareegayaan mas’uuliyada sugitaanka Amniga xarunta Golaha shacabka tan iyo inta xal waara looga helayo khilaafka hareeyay Golaha.

Si Kastaba, Taliyayaasha Ciidada; Booliska, Milatariga, Asluubta iyo Nabad Sugida Somaliya oo goor sii horeysay Shir Jaraa’id qabtay ayaa eedeyn kala dul dhacay Jawaari iyo Cawad, waxeyna ku eedeeyeen iney ku xad gudbeen Sharciga oo ay Ciidamo aan laga warqabin la galeen Xarunta Golaha Shacabka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.