qaar kamid ah wariyaasha Xarunta Golaha shacabka u tagay in ay wararka maanta soo tabiyaan oo la xiray.

0

Wararka naga soo garaaya Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Nabad Sugidda ay xabsiga dhigeen ugu yaraan 15 Wariye.

Wariyayaasha ayaa waxaa ay isku dayayeen in ay la hadlaan Labo XIldhibaan oo ka soo baxay Xarunta Golaha shacabka kuwaas oo galay Hotelka Sayid ee u dhow dhismaha Golaha shacabka.

Hayeeshee Ciidamada NISA ayaa qab qabtay Wariyayaasha islamarkaana Xabsiga dhigay ku dhawaad 15 Wariye oo ka mid ah kuwa saaka u shaqo tagay Xarunta Golaha shacabka.

Golaha shacabka ayaa maanta waxaa ka jira buuq badan,waxaana ilaa hadda xarunta ku sugan Guddoomiye Jawaari, ku xigeenkiisa 1aad Muuddeey iyo Xubno kale.

Wariyayaasha la xir xiray ayaa halkaas u tagay in ay maanta soo tabeniyaan Wararka mooshinnada isdiiddan ee maanta ka jira xarunta Golaha shacabka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.