Inta badan wadooyinka Muqdisho oo maanta xiran.

0

Hornafrik-Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, maadaama maanta lagu balansan yahay kulanka Baarlamaanka oo xiisad siyaasadeed wata.

Kulanka Baarlamaanka ayaa saakay lagu balansan yahay xarunta Golaha Shacabka 09:00 subaxnimo, waxaana looga hadlayaa laba Ajande oo kala duwan, kuwaasi oo kala ah Mooshinka Jawaari iyo arrinta xuduuda ee Soomaaliya & Kenya, iyada oo laga cabsi qabo in ay dhacaan falal ka baxsan amniga.

Ciidamo cusub oo laga soo bixiyay xerooyinkooda ayaa lagu soo daadiyay Isgoysyada Magaalada, kuwaasi oo wata Hubka culus, waxayna taagan yihiin Isgoysyada Magaalada, waxayna ku jira feejignaan dheeri ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.