Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Jubada-Hoose.

0

Hornafrik-Duqayn ay fulisay Diyarad dagaala yaa lasoo wariyay in ay ka dhacday Gobolka Jubadda Hoose, gaar ahaan Deegaan 95 KM dhinaca galbeed kaga beegan Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubadda Hoose.

Guri ay Daganaayeen Qoys ka kooban Todobo Xubnood ayaa lasheegay in duqaynta lala begsaday, waxaana Duqaynta ku dhintay Sadax Xubnood oo qoyska ka mid ah.

Afar ruux ayaa  lasheegay in Dhawac uu sidoo kale  kasoo gaaray Duqayntii gurigooda lala beegsaday, waxaana dhaawacooda loo qaaday Magaaladda Kismaayo .

Iftiin Xasan Baasto oo ah Xildhubaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Faderalka  kanasoo jeeda Deegaanka Duqayntu ay ka Dhacday ayaa sheegay, in Qoyska gurigooda duqaynta lala Beegsaday ay Daganaayeen Duleedka tuuladda kaamjaroon ee Gobolka Jubadda Hoose.

Mahan markii u horreeysay ee Dad rayid ah ay waxyeelo kasoo gaartyo Duqaymo Diyaaradeed oo ka dhacay Goboladda dalka.

Majirto cid dabagal kusameeysa duqaymaha dadka rayidka ah ay ku dhintaan

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.