Dad rayid ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay Hiiraan.

0

Hornafrik-sida wararka Hiiraan ka imaanaya sheegayaan Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay Qarax ka dhacay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Qaraxaan oo ahaa Miinadda Nuuca dhulka lagu Aaso ayaa la sheegay in ay la kacday dad Shacab ah oo la sheegay in qaarkood ay saarneeyeen gaari Dameer.

Dadka uu Qaraxu haleelay ayaa kusii jeeday degaanka Buqaqable ee gobolka Hiiraan, waxana ay ka tageen degmada Buuloburde.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira Hooyo iyo Afar Carruur ah oo ay dhashay.

Gudoomiyaha degmada Buuloburde ayaa Risaala u xaqiijiyay dhimashadda dadkaan, waxaana uu sheegay in Shabaab ay bilaabeen in ay wadooyinka ku Aasaan Miinooyin ka dib markii uu xoogeystay howlgallada ka dhanka ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.