Gudoomiye Jawaari oo faah faahiyay kulan ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo.

0

Hornafrik-Kulanki maanta lagu balansanaa ee Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la baajiyay kadib markii uu madaxweynaha Soomaaliya uu sidaasi weeydiistay Gudoonka Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ee mooshinka lafa keenay uu sababay khilaafka heerkaan gaaray ayaa shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu kaga hadlay kulanki maanta ee laga baaqsaday.

Prof Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu kulan isugu yeeray Isaga iyo labadiisa ku xigeena kana dalbaday in la baajiyo kulankaasi iyaguna aqbaleen sida uu sheegay.

Xaalka ayaa u muuqda mid uu khilaafki taagnaa ee gaaray heerki ugu xumaa uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu doonayo in lagu dhameeyo xal aan ahayn in masuul meesha ka baxo ama mooshin sii socdo , waxaana sida la tilmaamay loo xalinaa habkii loo maray xalka madaxda Galmudug markii uu khilaaf xoogan soo dhex galay sanadki hore.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.