Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay xaaladihi u dambeeyay ee xiisada taagneyd.

0

Hornafrik-Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa xalay wuxaa uu shir jaraaid u qabtay bahda saxaafadda Kaas oo uu kaga hadlay xaaladihi u dambeeyay ee xiisadda Golaha shacabka.

Jawaari oo hadlayay dhiwr daqiiqo si qoto dheer na uga haflay xal u helida khilaafka , dib u bilaabida shaqooyinka Hey’adaha dowlada ee gaabsi uu mudooyinkaan ku yimid shaqooyinkooda ayaa waxaa uu sheegay Xildhibaano badan ay sheegeen in mooshinka uu buray isagana uu aqbalay hadana uu dib ugu soo laabay shaqooyinkiisa Dastuuriga ah.

Gudmoomiyaha ayaa mar uu ka hadlayay ciidanka la geeyay xarunta Golaha shacabka waxaa uu sheegay in qeybaha kala gedisan ee Ciidamada qalabka sida looga baahanyahay in aysan ku milmij loolanka Siyaasadeed.

Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ayaa baaq u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduullahi Farmaajo isagoo carabka ku adkeeyay in aysan Jirin cid ay mooshin ka taalo.

Hadalka Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa u muuqanaya mid uu ku doonayo in intaa lagu ekeeyo iskudayadii lagu rabay in meesha looga saaro isaga , Waxaa dad badan Su’aalo ka keeneen Hadalkiisa ahaa Ma jirto Mas’uul uu mooshin ka yaalo waxaana xusid mudan in aan la ogeyn sida uu xaalka biri niqon doona iyadoo Xildhibaanada Golaha shacabka biri lagu balamiyay labo ajande waa ajandihi uu hore y iclaamiyay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Mudey ahaana mooshinka iyi ajandaha shalay lagu shaaciyay kulankii gudiga joogtada ee jawaari uu shir gudoomiyay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.