Wasiirada Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlay Arinka Xuduuda.

0

Hornafrik-Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya Monica Juma ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka oo labada Wasiir ay ku wehlinayeen sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ahna qunsulka guud ee Safaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) iyo Diblomaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda xuduudda labada wadan.

Saraakiil qeyb ka aheyd kulanka ayaa waxa ay sheegeen in Wasiirada ay isla garteen fulinta go’aanka Madaxweynayaasha labada dal ee ah in xaaladda Beled Xaawo iyo Mandhera loo maro guddi farsamo oo ka kooban Maamullada Gobolka Gedo iyo Mandheera.

Waxay kaloo Wasiirada isla meel dhigeen in shirka xiga ee Guddiga wada-jirka ah ee labada dal lagu qabto Degmada Mandhera sida ugu dhaqsiyaha badan, loogana hadlayo xiisada taagan sidii loo dhameyn lahaa, shacabka labada dhinacna la isugu soo dhaweyn lahaa.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa dhawaan in ay kulan ka yeeshaan xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay xadka labada wadan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.