War deg deg ah:-Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo kala diray Guddigii ay u xilsaareyn Xalinta Khilaafka Golaha Shacabka.

0

Hornafrik-Ilowareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan ay hada yeesheen Gudiga joogtada ah ee Aqalka Sare ay ku kala dirayn Gudigii ay dhawaan u xilsaareyn Xailinta Khilaafka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Xildhibaanada Aqalka sare ayaa KNN u sheegay in Gudiga joogtada ah ay ka arinsadeen wadooyinkii loo maray Xalinta Khilaafka kadibna ay go aansadeyn in la kala diro Guddiga.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay la saftayn garab ka mid ah Dhinacyada Khilaafka ee Golaha Shacabka.

Gudigaan ayaa dhawaan sheegay in jabayo mooshinka ka yaala Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya wixii ka dambeeya 28-ka Bishaan oo shalay ku beegneed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.