Mukhtaar Roobow oo Baydhabo Saraakiil ciidan kula shirsan.

0

Hornafrik-Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow oo horay uga tirsanaan jiray Al-Shabaab, islamarkaana isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, ayaa maanta Magaalada Baydhabo waxaa uu kulamo kala duwan kula leeyahay Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Kulankaasi ayaa looga hadlaayay sidii ciidamadii Sheekh Mukhtaar Roobow loogu soo dari lahaa ciidamada dowladda ee ku sugan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Sheekh Mukhtaar ayaa maanta kasoo duulay Magaalada Xudur oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa, waxaana Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada uu maamulo Wadaada Sheekh Mukhtaar ayaa wali ku sugan degaan hoostagga magaalada Xudur oo lagu magacaabo Abal

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.