Xildhibaan ka tirsan koonfur Galbeed oo Muqdisho lagu dilay.

0

HornAfrik-Wararka ka imaanaya Degmada Shibis ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay dishay Xildhibaanad katirsan Koofur Galbeed oo Magaceeda lagu sheegay Ruqiyo Xasan Abshir.

Wararka waxa ay intaa raacinayaan dableyda ay ku dhishay Xildhibaanadda Farmashi ay ku laheyd Xaafadda Suuqa Cawska oo aanan sidaa ugu fogeyn Isgoyska Maana-booliyo.

Ciidamada Dowladda ayaa goobta gaaray, waxa ayna qaadeen Marxuumadda iyagoona geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka balse ay geeriyootay.

Saakay ayaa waxaa madaxda maamulka Koonfur Galbeed ay ka tacsiyeeyeen dilka loo geystay xildhibaanada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.