Shaqaalihii Hawada Somaliya ka maamulayay Nairobi oo maanta la keenay Muqdisho.

0

Hornafrik-Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray shaqaalihii ka shaqeynayay Hay’adda maamusha hawada Somaliya ee ICAO iyada oo ay maanta kaddib ku shaqeyn doonaan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka duuliska Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Oomaar,oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn islamarkaana wixii maanta ka dambeeya Hawada Soomaaliya laga maamulayo gudaha dalka.

Shaqaalaha maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho islamarkaana toos u degay Muqdisho ayuu sheegay in ay gaarayaan 34 Qof kuwaas oo sanadkii 1993dii Xafiiska maamulka Hawada Soomaaliya ka furay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wasiir Omaar waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in ugu dambeyn maamulka Hawada Soomaaliya laga maamulo Muqdisho,iyada oo dhamaadkii sanadkii hore la soo wareejiyay qalabka maamulka Hawada xariggana uu ka jaray Madaxweyne Farmaajo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.