Nin Muslim Oromo ah oo markii u horeeyay noqon doona Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

0

Hornafrik– wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Xisbiga Taladahaya ee EPDRF loo doortay Abiy Ahmed oo ah ninMuslim ah kana soo jeeda Qowmiyadda Oromiya.

Abiy Ahmed ayaana lagu wadaa inuu noqdo Ra’iisal wasaaraha Dalka Itoobiya kadib marki xubnaha Baarlamaabka dalkaasi isku raacaan.

Hadii Abiy Ahmed uu sida la saadaalinayo noqdo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxaa ay noqon doontaa marki u horeysay ee Taaqriiqda Itoobiya 3000 Sano uu nin muslim Oromo ah noqdo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Ninkan ayaa hore waxaa uu uga tirsanaa xubnaha Baarlamaanka Itoobiya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.