Qaramada Midoobey oo loo gudbiyay Dacwad ka dhan ah Faragelinta Imaaraatka ee Soomaaliya..

0

HornafrikDanjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobe Abuukar Daahir Cusmaan Baalle oo hadal ka jeedinayay Qaramada Midoobe ayaa sheegay in Dowladda Imaaraatka Carabta ay ku xad gudubtay Midnimada iyo Qaraminada Soomaaliya.

Heshiiskii Saami qeybsiga Dekeda Berbera ay kala saxiixdeen Shirkadda DP-World, Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Waxa uu Qaramada Midoobe ka dalbaday in wax la qabto Xadgudubka Imaaraatka Carabta ay ku sameysay Midnimada Soomaaliya.

Danjire Abuukar ayaa soo hadal qaaday in wixii wada hadal ah ay u madax banaan yihiin Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Jaamacadda u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Dowladda Imaaraatka Carabta.

Dowladda Sacuudiga oo Saaxiibo dhaw la ah Imaaraatka ayaa Casuuntay Madaxda Wadamada Carabta, waxaana Ajendaha ay horyaalla kamid ah in aanan sii fogaan Xiisadaha ka dhashay Go’aankii Baarlamaanka Federaalka ay dalka ugu mamnuuceen Shirkadda DP-World iyo heshiiskii sababta u ahaa arrintaan.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.