Deg-Deg:-Qarax goordhaw ka dhacay duleedka Muqdisho.

0

Muqdisho-Hornafrik-Wararka ka imaanaya Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari nuuca raaxada ah uu ku qarxay halkaa.

Gaariga ayaa marayay Wadooyinka Mara Xaafadaha ka agdhaw Siinka dheer, waxayna Wararku sheegayaan in uu kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa Hornafrik u sheegay in Khasaaraha Qaraxaasi uu geystay uu ku kooban yahay dadkii Gaariga saarnaa oo aanan la heyn Tiradooda.

Ciidamada Dowladda ee Fariisinka ku leh Deegaanka Siinka Dheer ayaa tagay halka uu gaariga ku qarxay, waxayna wararku intaa raacinayaan in ay wadaan Baaritaano la xiriira Gaariga qarxay iyo dadkii saarnaa.

qaraxan ayaa imaanaya iyadoo Deegaanka Siinka dheer 1-dii bishaan ka dhacay qarax loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, isla markaana uu ku qarxay goob lagu diiwan geliyo Gawaarida Muqdisho soo gasha, kana timaada Gobolka Shabeelaha Hoose

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.