Qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay Magaalada Alexandria ee Dalka Masar

0

Hornafrik-Qarax loo adeegsaday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay duhurnimadii maanta magaalada Alexandria ee Dalka Masar waxaana ku dhintay labo qof oo uu ku jiro nin booliska masar ka tirsan.

Wasiirka arimaha gudaha Masar ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa isku day lagu dilayo madaxa Amaaanka ee magaalada Alexandria.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaw Hotelka Tolip eek u yaala caasimada labaad ee Masar Alexandria waxaana xiliga goobta ka dhawaa madaxa amaanka ee magaaladaasi General Mostafa al-Nemr.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay afar qof oo rayid ah.

Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo ay soo dhawdahay doorashsda madaxtinimo ee dalka masar waxaana dadka qaar tilmaameen in loola danleeyahay in lagu cabsi galiyo doorashada.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.