Ciidamada amaanka K/Galbeed oo dilay Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

0

Hornafrik-Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa soo sheegaya in Ciidamada amaanka ee maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ay dilayn Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyay in xalay Xaafadda Boqoleedyda ee magaalada Baydhabo ku dilayn Sarkaalkaan oo la sheegay in uu udhashay Wadanka Japan kana mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Ciidanka Howlgalka sameeyay ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ciidamada NISA ee ka howlagala K/Galbeed waxaana Taliyaha lagu magacaabaa Ibraahim Roobow Cali oo la dhashay Shiikh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur”

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.