Qarax gaari geeystay Khasaaro badan oo ka dhacay Muqdisho.

0

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 20 kalane way ku dhaawacmeyn qarax loo adeegsaday Gaari lagu soo raray waxyaabaha qarax oo ka dhacay Albaabka hore ee Hotel wehliye.

Wariyiyaal gaaray goobta qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in ay arkayn dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhashay qaraxa.

Qof ka mid ah dadkii ku sugnaa maqaaxi yar oo ku taala agagaarka Hotelka wehliye oo ah halka qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in Gaari yar uu soo istaagay Maqaayadda kadibna halkaasi ku qarxay.

Saraakiisha amaanka ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, dadka qaar ayaa qaba dhaawacyo culus.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.