Golaha Wasiirada Soomaaliya oo yeeshay kulan looga hadlay Arimo dhowr ah.

0

Muqdisho-Hornafrik-Shirka Khamiis laha ee Goloha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay Dib-u-eegista hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya, Dhaqaalaha, Amnigga, Ansixinta heshiisyada Soomaaliya iyo Turki iyo Doorashooyinka 2020-ka, iyadoo warbixino kalena laga dhagaystay qaar ka mid Goloha Wasiiradda. Waxaana kulanka shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa ka warbixiyay shir caalamiya oo uu kaga qayb-galay dalka Hindiya kaas oo loogu magacdaray International Solar Allaince. Waxuuna sheegay in uu kulan wada yeesheen Ra’iisul Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, waxayna labada mas’uul ka wada hadlayn sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada arrimaha bini’aadanimadda, gaar ahaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.

“Madaxda Hindiya waxaan ka wada hadalnay hannaanka isku socodka ee labada dawladooda iyo xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga Hindiya, waxayna balan-qaadeen in ay ka shaqayn doonaan is-dhexgalka labada bulsho, si loo hagaajiyo loona fududeyo hannaanka isku socodka ee labada dawladood” Ayuu yiri Mudane Mahdi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.