Ra’iisal Wasaare Kheyre oo booqday saldhigyo ciidan oo ku yaala Muqdisho.

0

Hornafrik-Ra’iisal Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa uu kormeer ku tagay qaar kamid ah saldhigyada ciidan eek u yaala magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha oo booqday saldhigyo ku yaala degmooyinka Howlwadaag , Hodan iyo Deyniile ayaa Ciidan Gaar ah oo loo diyaariyay howlgal ka dhan ah Al-shabaab waxaa uu ku booqday degmada Deyniile.

Xasan Cali Kheyre oo kormeerka ku wehliyeen saraakiil ciidan ayaa waxaa mar uu la hadlayay ciidanka gaarka ee amaanka waxaa uu kulan dardaarmay in ay ka dhabeeyaan howsha loo idmaday ee ah in Amniga dalka sugaan.

Kormeerka uu raiisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ku tagay qaar kamid ah saldhigyada ay ku suganyihiin Ciidan isku dhaf ah oo ka kooban Milatari ,Boolis iyo Nabad sugid ayaa la tilmaamay in Saraakiisha hogaamisa Ciidnakaasi uu ku amray in ay holwgallo baaritaano sameeyaan dhamaan xaafadaha Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.