Khilaafka jira oo saameyn balaaran ku yeeshay Shaqada Hey’ada Sharci dajinta Soomaaliya.

0

HornafrikJahwareer Siyaasadeed oo uu sababay mooshina laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha shacabka Jawaari iyo mid kale oo xildhibaano qaar sheegeen in laga diyaariyay xukuumada ayaa uu ku jiraa Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wali hal kulan oo rasmi ah ayay yeesheen golaha mudo kabadan todobaad oo uu furanyahay Kalfadhiga sadexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Marka laga soo tago kulanka rasmiga ah ee ay yeesheen xildhibaanada hadana waxaa jira kulamo badan oo ay ku xildhibaano ku yeesheen hoteelada magaalada iyo sidoo kale xarunta uu ku shiro gudiga joogtada ah Golaha shacabka ee Villa Hargeysa kuwaa oo iska soo horjeeda.

Inta badan waxaa sida caadiga todobaad waliba marka uu furanyahay kalfadhiga Baarlamaanka ay Golaha shacabka yeeshaan labo ilaa sadex kulan taas oo hada mudo todobaad kabadan ay yeesheen kali ah hal kulan.

Ansixinta ama dib u celinta Hindiso sharciyeedyo badan oo ka soo gudbay Xukuumada , warbixino laga dhageysto 14-ka guddi ee Golaha , howlaha dastuurka  iyo shaqooyin kale .

Qaar kamid ah xildhibaanada oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in howlaha horyaala kalfadhiga sadexaad ee Golaha shacabka ay kamid tahay dhisitaanka Gudiga adeega Golaha iyo in la sameeyo la taliye dhanka sharciga ah oo uu Golaha yeesho.

Hey’adda sharci dajinta waa halka inta ugu badan ee hagitaanka howlaha dwoladnimo looga baahanayahay , hadii uu gaabsi yar ku yimaadana waxaa ay dib u dhac ku tahay dowladnimada iyo hanaanka la qorsheynayo in dalka lagu hago sida kaadiriinta sharci yaqaanada ah tilmaameen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.