Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay sabata ciidanka uga soo baxaan meelaha Shabaan laga saaro.

0

Hornafrik-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal C/Raxmaan ayaa waxaa uu ka hadlay sababta ay Ciidamada Dowaldda uga baxaan durbadiiba degaannada ay kala wareegaan Al-shabaab.

Wasiir Mursal waxaa uu sheegay in qorsha Ciidanka uusan marka horeba ahayn in ay degaan qabsadaan ee ay ka hortagaan waxa uu ku sheegay meelaha ay isku urursanayaan Al-shabaab ama ay ku diyaarinayaan qaraxyada .

Wasiirku waxaa uu sheegay in aanay sax ahayn in Ciidamada ay ka baxaan goobaha ay ku talagalaan in ay ka qabsadaan Xarakada Al-shabaab.

Dhinaca kale wasiirku waxaa uu soo hadal qaaday Ciidamada AMISOM ee jooga Dalka kuwaas oo la qorsheynayo in ay dalka isaga baxaan marka la gaaro Sanadka 2020ka.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku howllan tahay isu diyaarinta sidii ay amniga dalka ugala wareegi lahayd Ciidamada AMISOM marka la gaaro xilliga bixitaankooda.

Qorshaha ay Dowladda Soomaaliya kula wareegeyso amniga Dalka ayuu sheegay in la diyaariyay islamarkaana Dowladda Soomaaliya iyo shacabkuba ay muhiim tahay ka wada qeyb qaadashada amniga dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.