Golaha Aqalka Sare oo gudi u saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka.

0

Hornafrik-Golaha Aqalka sare ee dalka  ayaa guddi u saaray khilaafka ka dhax taagan Golaha Shacabka kadib Mooshin laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ay yeesheen Gudiga joogtada ee Golaha aqalka sare ayaay ay gudi u saareen , waxaa Warbaahinta la hadlayay Xog-hayaha Guud ee Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac, kaasoo sheegay in Aqalka sare ay soo jeedinayaan in xasiloonidii iyo degenaashaha Golaha shacabka la soo celiyo, isla markaana wax kasta oo la isku haayo lagu dhameeyo si waafaqsan dastuurka iyo xeer hoosaadka

Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kuwaasoo ka qeyb-qaadan doona xalinta khilaafka waxaana ay kala yihiin:-

Cabdi Xaashi Cabdullahi -Gudoomiyaha Gudiga

Mowliid Xuseen Guhaad-Xubin

Cabdi Xasan Cawale qeybdid-Xubin

Zamzam, Ibraahim Cali -Xubin

Maxamed Amiin SHeekh Cismaan-Xubin

Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc-Xubin

Muxudiin Sheekh Cali Jaamac-Xubin

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.