Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xiray ciidamo ka badan 600 oo askari

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Tababar u soo xiray in k abadan 600 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta oo lagu tababaray Dugsiga Janaraal Kaahiye ee Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa loogu tala galay in ay ka qeyb qaataan soo celinta Ammaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ciidankaan la dardaarmay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay muujiyaan karti iyo dulqaad, islamarkaana ay ku dadaalaan sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa.

Ka hor tababarka Madaxweyne Farmaajo waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho.

Waxaa uu ka codsaday in ay u istaagaan sidii Amniga Magaalada Muqdisho loo xasilin lahaa, islamarkaana ciidamada ay ku shaqeyn lahaayeen har iyo habeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.