Wabiga Shabeele oo biyo keenay iyo shacabka Beladweyn oo soo dhaweeyay.

0

Hornafrik-Baladweyn-Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gibolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyah Wabiga Shabeelle ee mara magaaladaas oo biyo keenay kaddib markii muddo bilo ah ay biyaha ka maqnaayeen.

Dadka iyo duunyada ku nool Beledweyne ayaa biyo la’aa bilihii la soo dhaafay iyada oo hadda dadka magaalada ay heleen biyaha Wabiga Shabeelle.

Qaar ka mid ah dadweynaha Magaalada Beledweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay biyaha wabiga iyaga oo sheegay in ay aad  ugu faraxsanyihiin.

Kaddib markii uu Wabiga guray inta badan dadka waxaa ay biyo ka doonan jireen tuulooyin dhaadheer oo ka fog magaalada iyaga oo sheegay in dhowr jeer biyaha Wabiga ee Beledweyne ay wasaqoobeen,hayeeshee hadda imaadeen biyo nadiif ah oo ay cabi karaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.