Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo amar adag dul dhigay Shirkadaha duulimaadka ee ka shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

0

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay Garoonka Diyaadaha Aadan Cade ayaa si kooban u faahfaahiyay amaro Wasaaradu  Soo saartay ku waa oo ku aadan Duulimaadka waxaana uu sheegay  dadka safarka ah ama rakaabka ah  looga baahan yahay in ay gudaha Garoonka tagaan 9:00 sacadood ka hor inta aan la gaarin waqtiga ay Diyuuradda ku qoran yihiin.

Diyaaradduna aysan 9:00 ka badan dadka aysan Garoonka ku heyn karin isagoona intaasi ku daray in Diyaaraddaha  aan rakaab kale la saari Karin iyadoo laga tagaayo kii horay u sugaayay.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay  talaabada laga qaadayo Diyaaradaha amarkaas jabiso talaabooyinka laga qaadayo waxa ay iskuugu jiraan ganaax lacag ah  shaqo ka joojin iyo in lagala noqdo rukhsada dulimaadka ee ay kaga shaqeysanayaan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Diyaaraddi amarka jabiso marka koowaad waxaa la ganaaxayaa $2000 oo dollar.

Marka labaad waxaa laganaaxayaa $2000 oo dollar muddo 7 cisho ahne shaqada ayaa laga joojinayaa

Marka Seddaxaad ee ugu dambeyso waxa la ganaaxayaa $2000 oo dollar iyadoona lagala noqonaayo rukhsadda ay gudaha dalka ugu shaqeysaneysay ee dhanka duulimaadka.

Lama oga sida uu u dhaqan gelli doono amarkaani ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya  balse waxaa xusid mudan in dadka rakaabka ah ay garoonka dhexdiisa ku haraadaan

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.