Madaxweynaha Soomaaliland oo ka hadlay Go’aanka Dowlada ee heshiiska Berbera.

0

Hornafrik-Hargeysa-Muuse Biixi Cabdi ayaa Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay wiil yar oo ka taliya Xamar,waxaana uu sheegay in Somaliland ay aqbashay sida uu yiri dagalka ay ku baaqday Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu aad u dhaliilay go’aanka dowladda Federaalka ah ee ka dhanka ahaa heshiiska Dekadda Berbera ay kula wareegtay DPWorld iyo saamiga laga siiyay Itoobiya.

Waxaa uu difaacay heshiiska Berbera isaga oo sheegay in uu jirayo sidoo kalena aysan Somaliland marti ku ahayn Berbera ee ay iyada leedahay.

Waxaa uu difaacay heshiiska Berbera isaga oo sheegay in uu jirayo sidoo kalena aysan Somaliland marti ku ahayn Berbera ee ay iyada leedahay.

Somaliland ayuu sheegay in ay dhab u qaadaneyso hadalka ra’isalwasaare kheyre ee ah heshiiska berbera in uusan sharci ahayn,islamarkaana ay Somaliland diyaar u tahay dagaal ay la gasho dowladda Federaalka ah.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.