Dhalinyaro laga soo daayay xabsiyo ku yaala Libya oo Muqdisho la keenay.

0

Muqdisho-Hornafrik-Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray 13 ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ah ee ku xir xirnaa Dalka Liibiya,halkaas oo ay gacanta ugu jireen Magafayaasha dalkaasi.

Mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhallinyaradan ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dhallinyaradan soo celintooda waxaa fududeysay dowladda Soomaaliya iyo hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM,taas oo dhallinyarada ka sooq aadday Liibiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa u saartay wafddi uu hoggaaminayo danjiraha Soomaaliya ee Yurub Cali Siciid Fiqi in inta oggol maxaabiista Soomaalida ah ee ku maqan Liibiya dalka dib loogu soo celiyo.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.