Deg Deg qarax ay ku dhinteyn mas’uuliyiin uu wasiir ku jiro.

0

Horn-afrik-Qarax miino oo goordhaweyd ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan inta u dhaxeeysa  deegaanada Waraabaale iyo Doonka ee duleedka degmada Afgooye ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Wasiiru dowlihi amniga maamulka koonfur Galbeed ahaana Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi Cabduiqaadir Cabdiraxmaan  Baraf , Xildhibaan Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeele iyo askar ayaa ku dhintay qaraxa miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Waraabaale iyo Doonka ee duleedka degmada Afgooye xilli ay ka soo socdeen sida la tilmamay degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose , kuwo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele ayaa inoo xaqiijiyay dhimashada mas’uuliyiintani iyo qaraxa miino intaba.

Wixii warar ah ee ku soo kordha lasoco.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.