Kooxo hubeysan oo xalay qof shacab ah ku dishay degmada Afgooye.

0

Afgoye-Hornafrik-Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii qof shacab ah ku dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday sida ay tilmaameen dadka deegaanka oo KNN la hadlay.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa Arday wuxuuna ka mid ahaa dadka ku nool degmada Afgooye, maalmihii dambe ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ku soo badanayay weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Degmadaasi.

Iyadoona laamaha amaanka iyo Maamulka gobolka ay marar badan ay sheegeen in ay adkeynayaan amaanka gobolka iyo midka degmada Afgooye.

Jimcihii aan ka soo gudubnay ayaa Degmada Afgooye waxaa ka dhacay weerar Ismiidaamin ah oo lala beegsaday ciidamada Xoogga Soomaaliya  fadhiisimo ay ku lahaayeen degmadaasi, weerarkaas ayaa khasaaro waxuu ka soo gaaray ciidamadii lala beegsaday iyo dad shacab ah, mas`uuliya weerarkaas ayaa waxaa sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada dowlada ayaa howgalo lagu baadi goobayo kooxdii dilka geystay waxay ka sameeyeen Xaafadaha degmadaasi, ilaa iyo haddana majirto cid ay u soo qabteen dilkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.