Baarlamaanka Jubaland oo aan ku shiri karin meel ka baxsan Kismaayo.

0

Kismaayo-Hornafrik-Kadib kulan xubnaha Baarlamaanka Jubbaland ay isugu yimaadeen Magaalada Kismaayo, ayaa looga dooday qodob dhigaya in xubnaha Baarlamaanka Jubbaland ay ku shiraan kaliya Magaalada Kismaayo oo meel ka baxsan aysan isugu imaan Karin.

Xildhibaano gaaraya 38 Xildhibaan ayaa ogolaatay arintaasi, halka afar ay diideen, sidoo kalena laba ay ka aamuseen, sida uu sheegay Habdhawrka Baarlamaanka Jubbaland Bashiir Maxamed Daahaay.

“Xildhibaanada Jubbaland waxa ay isla garteen qodob oronaya in aan lagu shiri Karin meel ka baxsan Magaalada Kismaayo, inta laga xureynaayo Caasimadda Jubbaland ee Magaalada Bu’aalle ee Gobolka Jubbada Dhexe.” Ayuu yiri Habdhowrka Baarlamaanka Jubbaland.

Dadka qaar ayaa u arka arintaan inay tahay mid uu ka dambeeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maalmahan dareemay qal qal siyaasadeed iyo Xildhibaano doonaya in isbedel uu ku dhaco hoggaanka Jubbaland, kuwaasi oo dhaqdhaqaaq siyaasadeed ka waday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu dhaliilaa inuu u dhaqmo hab kali talisnimo ah, iyadoo Baarlamaanka Jubbaland dhawr mar xilalkii xasaanada ay ka qaadeen Xildhibaano.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.