Xog:- Sababta ay u kala xerantahay magaalada Muqdisho.

Muqdisho-Hornafrik-Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa xiran maalintii Saddexaad, waxaana ciidamada Ammaanka ay dadka Shacabka u sheegayaan in aan la ogoleyn in wadooyinka la marsiiyo gaadiidka.

wadada wadnaha ayaana ah halka aan la iskaga gudbi karin magaalada inteeda kale.

Isgoysyadda xiran ayaa waxaa ka mid ah Tarabuunka, Banaadir iyo sidoo kale meelo kale.

Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa cabasho xooggan ka muujiyay xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

shacabka ayaa durbaba la qabsaday magaalada oo kala qeybsan waxaana ay isticmaalaan dhowr gaadiid si ay isu maran magaalada , gaadiidka ka imaanaya waqooyiga muqdisho ayanan u gudbio karin koonfurta magaalada , dadka ayaana ka dega marka la gaaro wadada wadna iyagoo qaata gaadiid kale.

Ciidamada Ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo baxeen digniino ku saabsan Ammaanka Magaalada Muqdisho.

isku day ay Honafrik Media sameysay ayaana tilmaamaya in tani ay kamid tahay feeljignaan dhanka Amniga ah.

Gaadiid sida walxaha qarxa ayaana laga cabsi qabaa in ay magaalada ku jiraan kuwaas oo ay baadi goob ku hayaan laamaha Amaanka ee dowladda Somalia.

 

You might also like More from author

Comments are closed.